Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Talo-bixin Dadweyne gelinaysa Qabyo-qoraalka Qorshaha Hay’adda ee 2023-2027
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku casuumeysa qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ra’yigooda ka soo bixiyaan qabyo-qoraalka Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 2023-2027, kaas oo noqonaya qorshihii istiraatijiyadeed ee ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay soo bandhigeyso HIQ. HIQ oo ah tan nidaamisa suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, waxay qorshahan uga gol leedahay […]